Akhriso mid Ka mid ah Warsaxaafadeed ay soo saartey Xisbiga ssup

Waxaa sharaf ii ah anigoo ku hadlaaya magaca Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, iyo dhamman Xubnaha Xisbiga SSUP inaan halkaan idiinkugu soo gudbiyo marka hore salaan diiran, marka xigtana anigoo ka faa`idaysanaaya fursadaan, aan halkaan ugu tabiyo dhammaan shacabka soomaaliyeed ee waddaniga ah meel kastoo ay jogaanba, carruur iyo ciroolaba, hambalyada ciidul fitriga ee 2005.

Sidaasi si la eg ayuu xisbigu ugu gudbinayaa hambalyada ciidul fitriga ururrada caalamiga ah, iyo kuwa heer goboleed iyo Dowladaha sida saalixa ah u daneeya arrimaha Somaaliya iyo Soomaalida.

Xisbigu wuxuu mab’daiiyan aaminsanyahay horumarinta iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed. SSUP wuxuu u rajeynayaa shacabka soomaaliyeed meel kastoo ay jogaan sannad nabadeed iyo sannad cadaaladeed.

Xisbigu wuxuu ogsoonyahay in midnimadaasi aysan meel cidla ah ka dhalanaynin, waxaa shardi u ah in la helo rabitaan siyaasadeed oo ku qotoma waddaninimo oo ka dhex dhasha mujtamaca Somaaliyeeded. Tasoo markii la helo u ogolaaneysa shacabka Somaaliyeed in ay si daacadnimo ku dheehantahay isu cafiyaan, si hal ahna u xaliyaan mushkiladaha ku kala jira, si caafimaad qabtana u helaan xal dan u ah dadka iyo dalkaba.

Wadajirkaasi wuxuu kaloo u awood dheeri ah sinayaa shacabka wadaniga ah in ay si geesinimmo ku dheehan uga horyimaadaan inta hor taagan – si toos ah ama si dadban – oo ku noqday caqabad horumarkooda kuwaas oo raba in ay ku hayaan shacabka soomaaliyeed heeryada qabiilka iyagoo u adeegsanaya qabiilka si guracan una diidan in shacabka soomaaliyeed uu la soo noqdo midnimadiisa, karaamadiisa iyo Sharaftiisa.

Arrimaha Somaliya

Horraanti sannadkan ayuu xisbiga soo saaray warbixin tafaftiran ee la xiriirta arrima siyaasadeed ee Somaaliya isagoo darsaaya waxa dhaliyay xaaladda halka ay taagan tahay iyo sidii loo xalin lahaa.(Fiiri warbixinta SSUP- Jannayo 2005) Arrimaha aan ku soo xusnay warbixintaasi weli way taaganyihiin; barlamaanki iyo dowladdi lagu soo dhisay Nairobi , ayaan darro, waxna kama qaban howlihii loo doortay iyagoo ku dhaarteen magaca Illaah, balse way ka sii dareen wixii dalka yiilay ficilkasoo sii murjiyay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Barlamaankii iyo dowladdi Soomaaliya way kala qeybsameen waxayna kala degeen labo magaalo. Iyadoo koox waliba eedeyneyso kooxda kale, iyadoo koox waliba u adeegsanaysa qabiil fulinta qorshaheeda siyaasadeed iyo ciidanba, waxaa intaasi si dheer in koox walibana sheeganayso waddaninimo iyo u adeegidda danaha soomaaliyeed.

Koox waliba kama xishoon dhowrida magaca shacabka Soomaaliyeed ee ay huwan yihiin.
Kala qeybsanaantaasi waxey dhalisay in danahii runta ahaa ee shacabka soomaaliyeed aysan qofna is weydiin, nasiib darro kooxahaasi waqtiga xaadirka ah ficilkooda maaha mid muujinaaya in ay u soo jeedaan danaha shacabka soomaaliyeed.

Waxaa la gaaray heer in maanta dowladda iyo barlamaanka haba ku kala horreyaan ficilkooda in qorshahoodu noqdo dib u hurin iyo soo cusboneysiin colaadihii qabiilka, hubna la soo kala uruursado, in labada kooxood isku mashquuliyaan sameeynta maamul goboleed oo qaabka dhismahooda loo maro dariiq qilaafsan dastuurka ku meel gaarka ah oo ay labada kooxood ansixiyeen. Ujeedada laga leeyahay dhismaha maamul goboleedkaasi uu yahay: “Middi middi ku taag” oo howlaha nabadeynta sii cakirinaya haddii ficilladaasi sii socdaan waxaa la gaari donaa in aan mar dambaba laysugu imaan, oo wax horumar ah shacabku gaarin.

Waddanka gudihiisa kuma ekaan hurinta colaadahaasi ee waxaa loo soo dhoofiyay waddamada ay soomaalida ku noolyihiin, waana la wada arkay foolxumida iyo sida ay u kala qeybisay jaaliyadaha soomaaliyeed ee dibaddaha ku nool.

Intaasi kuma fileyn ee waxaa la gaaray heer ah in salaada ciidil fitriga waddamo qaarkood soomaalidii ku nooleyd aysan salada ciidda “Jameeco” ahaan ugu tukan oo ay u tukadaan qaab ku dhisan “jameeco Qabiil” ah. Soomaaliyeey qabiil iyo qaran waa kaaf iyo kala dheeri.

Xisbigu horay ayuu ugu digay dowladda iyo barlamaanka in aysan ku kicin ficilladaasi, hase ahatee nasiib darro farrintaasi waxay ku dhacday dhego aan u daloolin wax san.(Fiiri warbixinta Xisbiga SSUP-Jannayo 2005).

Arrimaha Sweden

Madaama Xaruunta Dhexe ee Xisbigu ku taal waddankan Sweden,
xisbigu wuxuu si gaar ah u xoojiyay xiriirka qaaska ah ee uu la leeyahay dowladda Sweden iyadoo masuulinta xisbiga ay munaasibado kala duwan la kulmeen dhowr wasiir oo ka tirsan dowladda Sweden iyagoo kala hadlay arrimaha la xiriira soomaalida ku nool Sweden. Waxaa intaasi si dheeraa doorka dowladda Sweden looga baahanyahay in ay ka ciyaarto dib u heshisiinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.
Waxaan xisbiga social demoqraadiga iyo dawlada Sweden aan ka codsanay inay u taageeraan si niyadsami ah, xag siyaasad iyo xag dhaqaaleba, islamarkaana aay u garab istaagaan dadka doonaaya ineey Soomaaliya ku soo rogaan nidaam ku dhisan cadaalad, dimuquraadiyad iyo doorashooyin xor ah.

Doorka istaraatejiga ah ee SSUP

Warbixintaasi ka dib waxaa muhiim ah inaan halkan mar kale ku caddeyno doorka istaraatejiga ah ee xisbiga SSUP kaga aadan marxalladan kal guurka ah. Qodobbadaani waxuu Xisbigu sii ayidayaa kuna sii shaqeyn donaa qodobbada aynu soo bandhignay ugu horranti sannadkan:

1- Xisbiga SSUP in uu si wadi doono talo u gudbinta si toos ah, baarlamaanka iyo dowladda federaaliga ee KMG ee ku wajahan maslaxadda guud ee Soomaaliyeed, kuwasoo waafaqsan xeerka iyo barnaamijka xisbiga.

2- Xisbiga SSUP wuxuu wadi donaa doorka ilaalinta danaha soomaaliyeed
sida waafaqsan xeerkiisa iyo barnaamijka, tasoo aan ku qotomin u xaglin qabiil diyaarna u yahay in uu ka hor yimaado kuwa ku gabbada magaca qabiilka si ay u fuliyaan danahooda gaar ah, kana weecda danaha guud ee Soomaaliyeed.

3- Xisbiga SSUP wuxuu sii wadi doonaa abaabulka farsamayaqaanadda, waxgaradka iyo muwaadinka Somaaliyeed, iyo Ururadda Madaniga ah (Civil Society) oo la wadaago aragtida siyaasadeed ee xisbiga, tasoo ah dhismaha bulsho dimoqaraadi ah, ee ku qotonta sinaan, cadaalad iyo midnimo.

4- Xisbiga SSUP wuxuu sii xoojin doonaa, kaalin wax ku ool ahna ka qaadan doonaa maslaxad ka dhalinta iyo heshisiinta umadda walaalaha ah ee soomaaliyeed oo la kala dilay lana kala qeeybiyay.

5- Xisbiga SSUP wuxuu sii wadi doonaa kaalinta wax ku ool ahna ka qaadan doonaa suurta gelinta dib u soo celinta kalsoonida shacabka soomaaliyeed.

6- Xisbigu SSUP wuxuu si wadi donaa kaalinta uu ka ciyaaraayo u iftiiminta dhallinyarada iyo jiilka soo koraaya kaalinta laga rabo in ay ka qaataan dib u dhiska iyo ilaalinta danaha waddankooda, ha noqdeen kuwa jooga dalka gudihiisa iyo kuwa ku nool caalamka intiisa kale.

7– Xisbiga SSUP wuxuu mar kale ugu baaqayaa dowladaha daneeya Soomaaliya, ururrada caalamiga ah, ururrada heer goboleedka iyo waliba gaar ahaanba dowladdaha Scandinavianka inay gacan ka geystaan dib u heshisiinta iyo dib u dhiska Soomaaliya iyagoo u magacaabaya ”wakiil” dalka Soomaaliya.

8- Xisbiga SSUP isagoo ogsoon baahida dib u dhiska dalka, isagoo ka warqaba dabeecadda gaarka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuu ugu baaqayaa dowladaha deeqda bixiya, ururrada caalamiga ah in, marka hore shuruud adag ay ku xiraan qaabka maamulka deeqaha ay ku bixinayaan dib u dhiska dalka, lana xisaabtamaan dowladda fedeeralka ee Soomaaliya.