Ololaha-Dawlad-Wanaaga

Booqashadii maanta uu Gudoomiyaha Xisbiga SSUP mudane Yaasiin Maxi iyo qaar ka mid ah xubnaha Xisbiga ayaa booqday Isbitalaka Hooyada iyo Dhalaanka Banadir ee magalada muqdisho. Ujeedada Booqashada waxay ahayd xog uruurin iyo u kuur gal baahiyaha ka jira Isbitaalka Banaadir. Waxaan la kulanay soo dhaweyn ka muuqatay Daryeel iyo aqoon waaya aragnimo maamulaha Isbitaalka Dr Abdirisak Hassan Ali iyo Teamkiisa maamul (Maxamed Aden Amiin iyo Abdinasir Cabdulahi Saciid) iyo dhaqaatiir aay ka wada muuqdaan aqoon durugsan aay u lee yihiin shaqadooda waxaa ka mid ahayd Drs Lul Mahamud Mahamed oo warbixn aan aad ugu faraxnay naga siisay in Isbitaalka aayna ka faa`ideeysanin oo kaliya Hooyada iyo dhalaanka iyo arimaha deg-dega oo kaliya oo aay ka faa`ideeystaan ardayda Jaamacadaha Caafimaadka wax ka barta kaas oo u ah meel aay wax ku bartaan si aqoon xirfadeeysan (Teaching Hospital). Sidoo kale Teamka maamulka uu ka mid yahay Maxamed Aden ayaa nagu soo wareejiyey na tusiyey dhamaan qaybaha kala duwan ee isbitaalka Hooyada iyo Dhalanka Banadir. Xog uruurintaas ka dib waxaan isbitaalka u rajeeyneeynaa Horumar iyo Guul waa muhiim in qof walbo uu helaa Caafimaad loo wada siman yahay shacabka Soomaaliyeed u siman yihiin (Universal health care for all) insha Alaah Soomaaliya waay gaari doonaa waana riyooyinka Xisbiga SSUP.
………………………………………………………………………………………………………
(Banadir Mother & Child hospital was established in 1977 as part of Chinese government development projects to Somali people which included other infrastructures as well. The hospital is situated in the center of the Somali capital, Mogadishu.)
#Sinaan iyo #Cadaalad
Xafiiska Warfaafinta Xisbiga SSUP
Cabdirashid Maxamuud Nuur
info@ssup.so

 

4

3
3
2
2