Soomaaliya maxaa ka hortaagan Nidaamka Dawlad-wanaaga?

Soomaaliya maxaa ka hortaagan

Nidaamka Dawlad-wanaaga?

Sababaha bulshada soomaaliyeed ugu wacan horumar la’aanta amini darida, saboolnimada, dhaqaalo xumida, horumar laa’aanta xaga Siyaasada  iyo Dawlad-Wanaag laanta waxaa ugu wacan waa sadax arimood anigoo og in dad badan oo wax garad ah igu raaci doonaan sadaxdaas oo kala ah:

– Hogaamiyeyaal khaldan

– Shacab kala qaybsan

– Faragelin shisheeye

Saddexda arrimood ee aan soo sheegay, ayaa waxey dhaleen afar qodob oo aay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ku heshiiyeen, kuwaas oo ayagana ah:

  • Ii talin maysid
  • Kuu talin maayo
  • Wada tashan mayno
  • Kala tagi mayno

Cinwaanadaan waa kuwo iska soo horjeedo oo ah xujo ma falantee xaajo ayaa falanto, waxaan maqli jiray ”qofku waa inuu noqdaa talo keen ama talo raac”  waxase lagu bedeshay mid ka duwan taas oo ah afarta xaraf ee kor ku qoran ah. shaki kuma jiro in laga tagay hidihii iyo dhaqankii sooyaalka ahaa, haddii laakiin ay dhacdo in lug hore ay lug danbe dhaafto, way jabtaa.

Furuq markii la arkaa waraaboow faro ka leef noqdaa waxaan sidoo kale aragnaa wax aysan bulshada soomaaliyeed horey aaysan ugu dhaqmin laguna arag, sida dilka, kufsiga, maamul xumida nin tooxsiga, fowdada, aqoonyahanka qalinka wax ku xadaayo, qaybiyihiina uu qaadanaayo ama quudanaayo, sharaftii dalka oo dhulka lagu tuuray oo aysanna muuqan cid dhulka ka qaadeeysa, xaaraantii oo la xalaashaday, tarbiyad xumi, siyaasad faasid ah ee uu naxwaheedu noqday ”waxna aan qalano midiyahana aan qarsano”. Taas waxaa sii dheer safka hore iyo hogaanka ummada oo u batay danaystayaal dhuuni raac ah iyo odayaal matalaayo siyaasiga, dhaqtarka, sarkaalka, injineerka, garsoorka, iyo kuwo kale iyagoon garasho iyo garaad u lahayn ehelna u ahayn.

Yassin
Yassin Mahi Mallin – Gudoomiyaha Xisbiga SSUP

Talo – soo jeedin

Sida muuqata maanta somaaliya waxa ay ku jirtaa xili aad u xun

Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa  meel hoo u baahane hadal waxba kama taro waxaan taas ula jeedaa Ummmada soomaaliyeed waxay maanta dooneeysaa waa Dawladnimo ee ma dooneeyso qabyaalad iyo waxyaabaha wasaqda ah ee maanta ka socda wadanka gudihiisa, waxaanse leeyahay soomaalida hadeeynu rabno dawlad-wanaag waa ineeynu garanaa Danta Guud taasina waxaan ku gaari karnaa ayadoo Siyaasada Soomaalida laga siibo xidid xumaha ku jira ee ah Qabyaalada iyo Laaluushaka.

Sidoo kale waa inynu Badbaadinaa Dawladeena, dadnimadeena iyo mustaqbalka ubadkeena. Hadaynu nahay shacbiga soomaaliyeed waa inynu sare u kacnaa oo xaqiiqda wajiga saarnaa. Waa inaynu mideynaa bulshadeena, kuwaas oo si ba’an ula ildaran dagaalada, dilalka, jirdilka & dhibaha ay isu geystaan. Walaalayaal si wada jir aan u shaqeyno, aan badbaadino Dawladeena, dadnimadeena iyo mustaqbalka ubadkeena. Midba midka kale aan iscaawino. Aan wadagno dhibaha, aan midowno ilaah sw dartiis, iyo mustaqbalka wadankeena. Aan ilowno qabiilka oo ah kan dalkeena gubay. Aan yeelano hal ururo siyaasadeed sida ummaddaha kale, aan ka mid noqono bulshoyinka. Walalayaal “intaas inagu filan, waxaan filayaa inaad garowsan tihiin fursada aan maanta haysano in aynu beri heli
doonin” Nabad waa lagu Tarmaa ,Colaadna waa lagu Tirmaa

 

FG: Yaasiin Maaxi Macalin Waa Qoraa madax bannaan Somali ah, turjumay 4 buug islamarkaana qoray 5 buug. Buugiisii ugu danbeeyey ee Hayaankii Hamigeyga iyo Riyadii Hooyo oo rumoowday oo goordhow soo baxay, Yaasiin Maaxi Macalin waa  Gudoomiya Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed SSUP. Gudoomiyaha waxaa lagala xiriiri karaa: maaxi@hotmail.com